Madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka ayaa war kasoo saaray, shirkii fashilmay ee dhawaan Muqdisho ku yeesheen madaxda Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamul gobaleedyada.
Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ah madaxweynihii hore ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, inuu fashil iyo guul darro kusoo dhamaaday shirkii ka socday Muqdisho.
Waxa uu dhanka kale ka digay, in Xasan Sheekh uu sameeyo muddo kororsi, isagoo xildhibaannada ugu baaqay iney ka hortagaan arrintaas.