HomeAll newsFiqi: "Suuragal Maahan Xilligaan Xiridda Safaaradda Itoobiya ee Madaxytooyada"

Fiqi: “Suuragal Maahan Xilligaan Xiridda Safaaradda Itoobiya ee Madaxytooyada”

Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa sheegey in xilligaan aysan suuragal aheyn xiridda safaaradda Itoobiya ay ku leedahay madaxtooyada.

Axmed Macallin Fiqqi oo ah wasiirka arrimha dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa shaaca ka qaaday, in aysan awood ulaheyn xiridda safaaradda ay Dowladda Xabashida Itoobiya ku leedahay xaruntooda madaxtooyada.

Iyadoo ay taasi jirto ayay horay u amreen in Itoobiya ay xirto qunsuliyadaha ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garowe, balse illaa iyo hadda aysan jirin cid dhag jalaq usiisay hadalkooda.

Tan iyo 2007 markii ay ciidanka Xabashida Itoobiya duullaanka kusoo galeen magaalada Muqdisho ayuu tilmaamay iney furan tahay safaaradda, haddana aysan suuragal aheyn in la xiro.

Halkaan ka Degso Warka Fiqi

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular