Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxa ay fuliyeen, weeraro kala duwan oo isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah, kuwaas oo ka kala dhacay magaalada Kismaayo iyo qeybo kamid ah gobalka Baay.
Haddaan ku horreyno magaalada Kismaayo, Qarax ay ciidamada Xarakada Mujaahdiiinta Al-Shabaab xalay ka fuliyeen gudaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada-hoose ayay la beegsadeen, goob isku imaatin ah oo ay ku sugnaayeen askar katirsan maamulka la baxay Jubbaland.
Waxaa qaraxaasi lagu dhaawacay 5 askari oo katirsan Sirdoonka maamulka la baxay Jubbaland, kuwaas oo uu ku jiray taliye unug, halka qarax kale oo isla xalay ka dhacay magaalada Beydhabo lagu beegsaday askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday, xerada askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay, iyo saldhigga ay askartaasi sameysteen degaanka Goofgaduud Buurey ee duleedka magaalada Beydhabo.