Waxaa maalmaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi ka socda xukuumadda dalka Masar, taasoo qeyb ka ah galaangalka sii xoogeysanaya ee ay dowladda Masar dooneyso iney ku yeelato dalka Soomaaliya, oo wajahaya duullaan Shisheeye oo ballaaran.
Wasiirka Gaadiidka ee dowladda Masar Kaamil Al-Waziir iyo xubno kale oo ay ku jiraan ganacasto ayaa kusoo wajahan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, kuwaasoo kulamo la yeelan doona madaxda Dowladda Federaalka.
Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Maxmuud Cabdi-Raxmaan Faarax Beenebeene, ayaa sheegay in maalmaha soo socda uu wefdiga dalka Masar ka socda kasoo degi doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, dhinacyaduna ay ka wada hadli doonaan sidii Masar u maalgashan lahayd ilaha dhaqaale ee dalka oo ay kujirto dekadaha, taasoo qeyb ka ah beylahinta ilaha dhaqaale ee dalka.
Beenebeene ayaa fursad ku tilmaamay imaanshaha wafdiga Masar ee doonaya iney iyaguna qeybtooda ka qaataan kheyraadka Soomaaliya, iyagoo kusoo gambanaya sheegashada maalgashiga, waxaana ay tallaabadani kusoo aadeysaa iyadoo ay taagantahay xiisadda u dhexeysa Dowladda Federaalka iyo Masar oo dhinac ah iyo Itoobiya iyo maamulka labaxay Soomaaliland oo dhinac ah.
Dowladda Masar waxay dhawaan Muqdisho keentay markab hub sida, kaasoo horudhacc u ah isku dayada ay Masar ku dooneyso iney qeyb kaga noqoto duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee ka socda dalka Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya iyo Masar ayaa waxaa u dhexeeya xiisad salka ku heyso biyo xireenka laga dhisay webiga An-niil, waxaana muuqaneysa in colaadda labada dhinac ay usoo rarayaan Soomaaliya, taasoo ay aqoonyahannada iyo waxgaradku tilmaamayaan iney Soomaaliya ka dhigi karto fagaare ay ku loolamaan awoodo Shisheeye oo iska soo horjeeda.