Warbaahinta maamulka Yahuudda ayaa tabisay, in guriga Ra’iisul wasaaraha Yahuudda Natanayhu ee magaalada Qeysaariyah lagu weeraray diyaarado drones ah.
Diyaaradda ayaa ku dhacday gurga Natanyahu, waxaana ka dhashey qarax culus, oo laga wada maqlay magaalada.
Wararka la helayo waxay tilmaamayaan in diyaaradda laga soo diray dalka Lubnaan, xilliga weerarkana Natanyahu iyo xaaskiisa kuma sugneyn guriga.
Ciidamada ammaanka ee maamulka Yahuudda ayaa u diiday wariyaasha iney kasoo ag dhawaadaan guriga Natanyahu ee weerarka lagu qaaday, waxaana la ogeyn waxyeellada rasmiga ah ee ka dhalatay.
Ilo wareedyo katirsan ciidamada ammaanka ee maamulka Yahuudda ayaa sheegay in weerarka drones-ta loo adeegsaday, ee lagu qaaday guriga ra’iisul wasaaraha Yahuudda Bin Yamin Natanyahu, uu dhaliyay burbur.