Dowladda Federaalka ayaa Qirtay War Bilo kahor Warbaahinta Reer Galbeedku Baahiyeen, oo sheegayay in Turkigu Soomaaliya ka sameysanayo Saldhig Laga Tuuro Gantaallada Ridada Dheer.
Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Xamze Cabdi Barre, ayaa xaqiijiyay in Turkigu Soomaaliya ka sameysanayo saldhig laga tuuro gantaallada ridada dheer, taasoo uu ku sheegay iney tahay horumar ballaaran.
Xamse Cabdi Barre, ayaa isagoo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, wuxuu si rasmi ah u xaqiijiyay tallaabada ay qaadeyso dowladda Turkiga, oo uu sheegay iney mareyso meel wanaagsan.
Bishii September ayay ahayd markii wakaaladda wararka ee Blomberg, oo kasoo baxda dalka Maraykanka ay baahisay warbixin ay ku sheegeyso in Turkiga uu saldhig laga tuuro gantaallada ridada dheer ka sameysanayo dalka Soomaaliya.
Wargeyska Bloomberg ee kasoo baxa dalka Maraykanka, ayaa baahiyay warbixin uu kaga hadlayo isku dayo xoogan oo ay dowladda Turkiga wado, taasoo ay ku dooneyso iney ku ballaariso galaangalkeeda milliteri ee dalkan Soomaaliya.
Wargeyska ayaa sheegay, in masuuliyiinta Turkiga ay kala hadleen Dowladda Federaalka, sidii Turkigu Soomaaliyga uga dhisi lahaa, saldhig ballaaran oo laga diro gantaallada ridada dheer.
Ilo wareedyo diiday in magacyadooda warbaahinta loo adeegsado oo la hadlay Bloomberg, ayaa sheegay in Soomaaliya oo dhacda goob muhiim ah oo u dhow dhul-baraha, ay ku wanaagsantahay howlgalaha diritaanka gantaallada ridada dheer, sidaasi darteedna ay Turkigu daneyneyso.
Maadaama gantaallada ay u baahanyihiin tijaabooyin, waxay dowladda Turkiga is tuseysaa in Soomaaliya ay ku wanaagsantahay tijaabinta, maadaama ay leedahay badweyn ballaaran, oo marti gelin karta howlgallada tijaabada, sida ay sheegeyso warbixinta.