Saacadihii lasoo dhaafay, waxa tuulo lagu magacaabo Cali Maxamed oo udhaw degaanka Xaaji Cali ee gobalka Sh-dhexe ka dhacay, weerar ay geysteen maleeshiyaad hab qabiil u abaabulan.
Maleeshiyaadka ayaa waxa ay weerar ku qaadeen dadka rayidka ah oo ku sugnaa tuulada, iyagoona halkaasi ku dilay ugu yaraan 4 ruux, halka lagu dhaawacay 6 kale.
Dadkaan ayaa waxaa loo dilay aano qabiil, waxaana degaannadaan mudooyinkii dambe kusoo badanayay dalalka nuucaan ah iyo dagaal beeleedyada udhexeeya beelha walaalaha ah.