Ciidamada Dowladda Kenya ayaa boob iyo barakicin ku billaabay, dadka ku dhaqan xaafad katirsan magaalada Mandheera ee ay gumeysato Kenya.
Dadkaan oo ku dhaqan xaafadda Buulo China oo ku taalla magaalada Mandheera ayaa waxa ay sheegeen, iney boob iyo barakicin kala kulmayaaan ciidamada Kenya iyo kooxo tuugo ah.
Wax ka badan 20 sano ayay sheegeen iney dagan yihiin xaafaddaan, habeen iyo maalin walibana ay la kulmaan dhibaayooyin kala duwan oo kaga imaanaya dowladda Kenya.
Marka laga yimaado boobka iyo bililaqada lagu hayo, waxa ay sheegeen in ay xaafadda ku heysato biyo iyo waxbarasho la’aan.
Halkaan ka Degso Warka Mandheera