Meel u dhow magaalada Baarliin ee caasimadda dalka Jarmalka, ayaa lagu qabtay nin kasoo jeeda dalka Liibiya, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheynayay weerar uu ku beegsado Safaaradda maamulka Yahuudda ee dalkaas.
Ciidamo katirsan booliiska dalka Jarmalka ayaa gelinkii dambe ee maalintii shalay, waxay howlgallo baaritaanno ah ka sameeyeen magaalo lagu magacaabo Biirnaaw, oo u dhow Parlin, halkaas oo laga soo qabtay ninkan muslimka ah ee kasoo jeeda dalka Liibiya.
Xeer ilaalinta guud ee dalka Jarmalka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegaty, in ninka gacanta lagu dhigay uu ku howlanaa fulinta weerar ka dhan ah Safaaradda maamulka Yahuudda ee dalka Jarmalka.
Ninka la qabtay ayaa da’diisa lagu sheegay 28 sano, maanta oo Axad ah ayaana lagu wadaa in lasoo taago maxkamad ku taalla dalka Jarmalka.
Sanadkii 2022-ka ayaa la sheegay in ninkan kasoo jeeda dalka Liibiya uu soo galay dalka Jarmalka, dalab qoxootinimo oo uu codsaday sanadkii 2023-ka ayaana laga diiday.