Madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa todobaadkan isagoo la hadlayay ciidamada wadankaasi, wuxuu ugu baaqay iney galaan heegankii ugu dambeeyay, iskuna diyaariyaan dagaal.
Wuxuu sheegay madaxweynaha Shiinaha iney lama huraan tahay in awoodda ciidamada kor loo qaado, mar welibana ay heegan u ahaadaan gelitaanka dagaal furan, iyo iney lahaadaan istiraatiijiyad ay kaga hortagi karaan weerarada ka dhanka ah Shiinaha iyo masaalixdiisa.
Isagoo booqasho ugu tagay guuto katirsan ciidamada Sawaariikhda ee Shiinaha Khamiistii lasoo dhaafay, ayuu madaxweynaha Shiinaha amar buuxa wuxuu dul dhigay ciidamada, isagoo uga digay in habacsanaan lagu arko.
Wuxuu amray iney sii xoojiyaan awoodooda xaga caskariga, lana dhiso ciidan adag oo awood u leh dhex dabaalashada taxadiyaadka soo wajahda Jamhuuriyadda shuuciga ee Shiinaha.
Warka kasoo yeeray madaxweynaha dalka Shiinaha ayaa kusoo aadaya, iyadoo dhawaan ciidamada wadankaasi ay dhoolatus milliteri ka sameeyeen meelo u dhow jaziiradda Taiwan.
Shiinaha ayaa jaziiradan u arka iney kamid tahay dalkiisa, marnaba aanu ogolaan doonin iney gooni uga go’do dalka, haddii ay ku qasbanaadaan iney awood milliteri u isticmaalaan ka hortaga in Taiwan go’dana ay qaadi doonaan tallaab milliteri.