Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya iney rogmatay doon ay saarnaayeen inkabadan 10 ruux oo Itoobiyaan ah, oo ku safreysa haro biyood ku taalla koonfurta dalka Itoobiya, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiil maxalli ah.
Doonta rogmatay ayaa waxaa ku rarnaa faakihada Mooska, waxaana la socday ugu yaraan 16 ruux oo Itoobiyaan ah, iyadoo ku rogmatay haro biyood lagu magacaabo Chamo oo kamid ah mandiqadda Gamo Zone, ee koonfurta dalka, sida ay warbaahinta u sheegeen waaxda xiriirka warbaahinta ee maamulka Gamo Zone.
Saraakiisha warbaahinta la hadlay waxay xaqiijiyeen in labo ruux oo kamid ahaa dadkii la socday doonta lasoo badbaadiyay, halka 14 ruux oo kalena weli aan lagu heynin nolol iyo geeri toona.
Doonta rogmatay ayaa la sheegay iney kusii jeeday magaalada Arba Minch ee xarunta u ah mandiqadda Gamo Zone, sida loo badinayana waxaa badnaa tanka mooska ay siday, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Shiinaha oo soo xiganeyso ilo wareedyo masuuliyiinta Itoobiya kamid ah.
Dhamaan dadka saarnaa doonta ayaa la aqoonsaday shakhsiyadooda, waxaana 15 kamid ah ahaayeen ganacsato ka shaqeysata Mooska, halka kan 16aad ee soo hareyna uu yahay naaqudihii waday doonta.
Weli waxaa socda isku dayo lagu baadi goobayo dadka maqan ee aan nolol iyo geeri toona lagu heynin, dalka Itoobiya oo ah dal aan bad lahayn, ayaa waxaa mara webiyaal iyo lago ama haro biyoodyo looga kala gudbo doonyo yar-yar, oo aan aad u hormarsaneyn, taasoo keenta in mararka qaar bartamaha biyaha ay ku rogmadaan, sidaasina ay ku quur baxaan dadkii saarnaa.