Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa ku waramaya, in halkaas lagu afduubtay dad gaaraya kudhawaad 10 ruux, kuwaasoo ay kamid yihiin muwaadiniin kasoo jeeda dalalka reer galbeedka.
Nakdet Seyid Oglo oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska asal ahaanna kasoo jeeda dalka Turkiga, ayaa lagu afduubtay Jimcihii lasoo dhaafay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, xilli uu kusii socday goobtiisa shaqada.
Maalmo uu afduubnaa kadib, wuxuu dib u heley xorriyadiisa, isagoona muuqaal uu soo duubay ku sheegay in xubnaha afduubtay ay katirsanyihiin Sirdoonka dalka Turkiga ee magiciisa loo soo gaabiyo MIT.
Muuqaalka Video-ga ayuu Nakdet ku sheegay, in isaga iyo saaxiibkiisa oo ku socday goobtooda shaqada ay jidka u galeen koox hubeysan oo afar ruux ka kooban, kuwaasoo qoryo ku qabtay, kuna amray iney gaari nooca raaxada ah oo ay wateen ay soo raacaan.
Ugu yaraan 2 saacadood oo xiriir ah ayuu sheegay in kooxda afduubatay ay ku hayeen gaariga dhexdiisa, iyagoo ku socdaalayay wadooyinka magaalada, waxaana markii dambe ay dadka soo afduubteen u kala qeybiyeen gawaari kala duwan, sida uu sheegay ninkan xorriyadiisa heleyna waxay u diideen iney u sheegaan waxay yihiin iyo danta ay leeyihiin.
Ninkan heysta dhalashada dalka Ingiriiska, ayaa kamid ahaa ugu yaraan 7 ruux oo dhawaan lagu afduubtay dalka Kenya gaar ahaan magaalada caasimadda ee Nairobi, waxaana 3 kamid ah dadkaas ay dib u heleen xorriyadooda, halka weli aan la heynin 4 qof oo kale.
Taageeriyaasha hogaamiyaha Mucaaradka Turkiga Fatxullaahi Golan ee ku sugan dalka dibadiisa, ayaa inta badan la kulma weeraro uga yimaada xubnaha sirdoonka dalka Turkiga, lamana oga in dadka lagu afduubtay Kenya ay yihiin xubno katirsan mucaaradka dalka Turkiga.