HomeAll newsNin Doonayay inuu Weerar ku Qaado Saldhig Mareykanku Leeyahay oo Lagu Xiray...

Nin Doonayay inuu Weerar ku Qaado Saldhig Mareykanku Leeyahay oo Lagu Xiray Kuweyt.

Maxkamadda Racfaanka ee dalka Kuweyt, ayaa xukun xabsi ah waxay ku riday nin u dhashey dalkaas, kaasoo lagu eedeeyay inuu qorsheeyey weerar ka dhan ah saldhiga ciidamada Maraykanka ay ku leeyihiin wadankaas.

Ninkan ayaa lagu riday xukun xabsi ah oo gaaraya 10 sano oo xiriir ah, waxaana lagu eedeeyay in isagoo adeegsanaya walxaha qarxa uu qorsheeyay weerar uu ku qaado saldhiga ciidamada Maraykanka ee Cariifjaan.

Waxaa sidoo kale eed looga dhigay sida warka loo dhigay inuu meel kaga dhacay boqortooyada dalka Kuweyt, sidaasina ku muteystay in la xiro.

Marka laga soo tago qorsheynta weerar ka dhan ah ciidamada Maraykanka ee kusugan dalka Kuweyt, waxaa ninkan xukunka xabsiga ee tobanka sano lagu riday la sheegay inuu ku biiray faraca AlQaacida ee Jaziiratul Carab, isagoo beyco la galay hogaanka guud ee jamaacadaas.

Maamullada carbeed iyo kuwa cajamta ee kajira dunida Islaamka, ayaa waardiyeyaal u ah danaha iyo masaalixda reer galbeedka gaar ahaan Maraykanka, waxaana ay ka dagaallamaan in wax un dhibaato ah la gaarsiiyo reer galbeedka sida maalinlaha u xasuuqaya ehelkeena ku go’doonsan Marinka Qazza.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular