Sarreeyo guuto Abuu Caaqila Kiikal oo katirsanaa saraakiisha kooxda RSF ee uu hogaamiyo Doqlo, ayaa ku biiray ciidamada milliteriga Suudaan isaga iyo tiro kamid ah ciidamadiisa.
Bayaan kasoo baxay milliteriga Suudaan ayaa lagu sheegay iney aad usoo dhaweynayaan tallaabada uu qaaday sarkaalkan sare, ee kasoo goostay kooxda RSF, iyadoona lagu bogaadiyay go’aanka uu qaatay.
Waxaa intaa lagu daray bayaanka kasoo baxay milliteriga Suudaan iney soo dhaweynayaan cid weliba oo go’aansata iney kasoo baxdo safka malleeshiyaadka Doqlo, cafis buuxana loo fidinayo.
Sarkaalka ku biiray ciidamada milliteriga Suudaan, ayaa hogaaminayay ciidamo loogu magacdaray Dircu-Suudaan, oo kamid ahaa malleeshiyaadka RSF, waxaana uu ka howlgalayay gobolka Aljaziira, halkaas oo uu ka geystay gabood fallo wuxuushnimo ah.
Shacabka Suudaan oo aragti ka dhiibtay sarkaalkan iyo ciidankiisa isku soo dhiibay milliteriga, ayaa sheegay iney haboontahay in lagu maxkamadeeyo dembiyada dagaal iyo xasuuqa uu ka geystay gobolka Aljaziira, intii uu kamid ahaa saraakiisha malleeshiyaadka RSF ee Imaaraatka ku daaban.
Muuqaallo Internetka lasoo dhigay ayaa muujinaya sarkaalka ku biiray milliteriga Suudaan, oo aad loo soo dhaweynayo, iyadoo ciidamo iyo saraakiil katirsan milliterigana ay hareerihiisa taaganyihiin.