Mid kamid ah xildhibaannada ay Dowladda Kenya ka dhisatay dhulka ay gumeysato ee NFD ayaa ka hadlay afduubyada ka socda gobalkaas, iyo xildhibaan dhawaan la helay meydkiisa.
Aadan Keynaan Weheliye oo kamid ah xildhibaannada ay dowladda enya ka dhisatay gobalka Wajeer oo kamid ah dhulka NFD ee gumeysiga ku jiro, ayaa qeyla dhaan ka muujiyay xaaladda ka jirta gobalka, ee ku aaddan dilalka iyo afduubka kusoo badanaya halkaas.
Waxa uu ugu horreyn ka warramay, xildhibaanka dhawaan in meydkiisa la helay ee la la’aa in muddo ah, isagoo tilmaamay in si xun loo dilay xildhibaankaas.
Waxa uu sheegay in shaki uu ku jiro sax ahaanshaha in meydka la helay uu yahay xildhibaanka la la’aa, haddana ay socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo arrinkaas, isagoo intaa ku daray in sirdoonka Kenya uu ku lug leeyahay afduubka.