Warbaahinta Nidaamka Nusayriyada Suuriya ayaa tabisay, inuu dab warshad filtareysa shidaalka oo ku taalla gobolka Ximis ee dalka Suuriya, oo kamid ah goobaha kujira gacanta Nidaamka.
Dabka ayaa ka kacay qeybta gaaska ee warshadda, waxaana uu dhaliyay holac xoogan oo ku fiday qeybo kamid ah warshadda, kaasoo markii dambe lagu guuleystay.
Masuulka shirkadda oo la hadlay wakaaladda wararka ee Nuseyriayda ayaa tilmaamay, in shirkadda oo kaashaneysa kooxaha dabdamiska ee magaalada Ximis, ay ku guuleysteen iney bakhtiisiyaan dabka.
Wuxuu tilmaamay in illaa iyo waqti xaadirkan, aaney ogeyn waxa rasmiga ah ee dhaliyay dabka, iyadoo uu sheegay iney wadaan baaritaanno lagu ogaanayo sababta dhalisay dabka.