Inta badan degmooyinka iyo degaannada ay ku sugan yihiin Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka ayaa waxaa ka jira xaalufin ba’an oo lagu hayo dhirta, taas oo qaarkeedba la sheegayo iney kaalin ku leeyihiin hey’ado shisheeye.
Gobalka Jubada-hoose goobaha ay ka joogaan ciidanka Shisheeye iyo kuwa Dowladda Fedaraalka ayaa kamid ah, goobaha ay sida xowliga ah kaga socto xaalufinta dhirta.
Dhalinyarada degmada Dhoobley ayaa ka hadlay, xaalufinta dhirta ee ka socota degmadaas iyo degaannada hoos yimaado, iyo dhibaatada ka dhalan karta arrintaas.