HomeAll newsSaraakiil iyo Askar Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallada...

Saraakiil iyo Askar Yahuud ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Dagaallada Lubnaan.

Ciidamada Yahuudda ayaa ku dhawaaqay in dagaallada ka socda dalka Lubnaan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen maalintii shalay oo keliya inkabadan 20 askari oo ay saraakiil kujiraan.

Taliye kuxigeenka guutada 9308aad ee ciidamada Yahuudda iyo labo askari oo kale ayaa lagu dilay, dagaallo maalintii shalay dalka Lubnaan ku dhexmaray ciidamada Yahuudda iyo kuwa Shiicada.

Marka laga sootago saddexda askar iyo saraakiil ee la dilay, waxaa sidoo kale dhaawacmey ugu yaraan 20 askari, kuwaasoo dhaawacyadoodu kala duwanyihiin, xarumo caafimaadna la dhigay.

Isbitaallada Yahuudda ee ku yaala dhulka Filastiin ee gumeysiga kujira, ayaa waxaa si xiriir ah u gaaraya ciidamo Yahuud ah oo kusoo dhaawcmaya dagaallada Lubnaan iyo Qazza.

Dhinac kale, ciidamada Yahuudda waxay ku dhawaaqeen in hogaamiye sare oo katirsan ururka shiiciga ah ee la baxay Xisbullaha, ku dileen duqeymo saddex todobaad kahor ka dhacay magaalada Beyruut.

Haashim Safiyudiin oo ilmo abti la ahaa Xasan Nasrallaah, ayay ciidamada Yahuuddu ku dhawaaqeen dilkiisa, waxaana ninkan loo badinayay inuu noqon karo hogaamiyaha guud ee ururka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular