HomeAll newsHogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi ayaa Amray in la Xoojiyo Nidaamka Nuclearka ee Dalkiisa.

Hogaamiyaha Kuuriyada Wuqooyi ayaa Amray in la Xoojiyo Nidaamka Nuclearka ee Dalkiisa.

Kim Joon Uun, oo ah madaxweynaha dalka Kuuriyada Wuqooyi, ayaa amray in la xoojiyo nidaamka Nuclearka ee dalkiisa, si looga hortago buu yiri daandaansiga ka imaanaya Maraykanka.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada Wuqooyi, ayaa sheegtay in madaxweynaha uu booqday saldhigyada sawaariikhda, uuna u kuur galay sida ay ciidamadiisu ugu diyaarsanyihiin ka hortagga weerar kasta oo ka yimaada dhinaca Maraykanka.

Wuxuu sheegay in nidaamka nuclearka ee Maraykanka uu halis ku yahay dalkiisa, sidaasi darteedna aan halistaas looga hortagi karin waxaan diyaar garow buuxa ka ahayn.

Madaxweynaha dalka Kuuriyada Wuqooyi, ayaa milliteriga dalkiisa wuxuu u sheegay in mudnaanta koowaad ay siiyaan awoodda sawaariikhda, maadaama buu yiri ay gantaallada ridada dheer yihiin awoodaha xilligan la isku handado.

Booqashada Kiim Joon Un uu kutagay xeryaha milltieriga ee sawaariikhda, waxaa ku wehlisay gabadha isaga la dhalatay, oo lagu tilmaamo iney tahay qof ay ku fogtahay colaadda ka dhanka ah Maraykanka iyo Kuuriyada Koonfureed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular