Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weeraro ku qaaday, xerada askarta Dowladda Fedaraalka ee degmada Xudur, iyo saldhigga askarta Kenya ku leeyihiin degaanka Taabto ee Jubada-hoose, iyo kuwa maamulka la baxay Jubbaland ee ku sugan degaanka Baar-sanguuni ee dhaca duleedka Kismaayo.
Sidoo kale waxaa xalay la weeraray xerada askarta Dowladda Fedaraalka ay ku leeyihiin buundada degaanka Bariire ee Sh-hoose, iyo saldhigga askarta Xabashida Itoobiya ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay.
Askari katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayay sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku dileen, howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen degmada Garbahaarrey ee gobalka Gedo.