Maalmihii lasoo dhaafay dagaallo lafa jabis ah ayaa ka socday degaanno badan oo katirsan gobalka Amxaarada ee woqooyiga dalka Itoobiya.
Dagaalladaas ayaa waxaa ka dhashay khasaare lixaad ah oo gaaray labada dhinac, halka saacadihii lasoo dhaafay ay FANO sheegtay in dagaallo ka dhacay Gojjam oo kaliya ay ku dishay in ka badan 70 askari.
Muuqaal ay kooxdu ku baahisay baraha Internetka ayaa muujinaya, tobannaan maleeshiyaad ah oo gudaha ugalaya mid kamid ah magaalooyinka gobalka Amxaarada, halkaas oo ay sheegeen iney xoog kaga saareen ciidanka xukuumadda Adis Ababa.
Tani ayaa muujineysa sida gobalka Amxaarada uu uga sii baxayo gacanta dowladda Abiy Axmed, maadaama ciidanka xukuumadda ay dhig bax daran ku wajahayaa furimaha dagaalka.
Maalmihii lasoo dhaafay, waxay maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO baahinayeen, boqallaal ciidamo Xabashi ah oo ay sheegeen iney ku qabteen dagaallada ka socda gobalka Amxaara.
Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysa dagaallo dhinacyo kala duwan leh oo kaga imaanaya kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda maamulka Abiy Axmed, kuwaas oo ay ugu caansan yihiin maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO iyo kuwa Oromada ee OLA.a