Dhulka Soomaaligalbeed ee kujira gumeysiga Xabashida Itoobiya, waxaa maalintii shalay ka dhacday arin muujineysa halista ay wajahayaan Soomaalida halkaas degan.
Shir ballaaran oo ay soo qabanqaabisay dowladda Itoobiya, ayaa ka socday magaalada Jigjiga, waxaana dadka kasoo qeybgalay kamid ah odayaal Itoobiyaanka la shaqeeya.
Shirka ayaa laga sheegay in 40% dhulka Soomaaligalbeed ay leeyihiin qowmiyado kale oo Itobiyaan ah oo ay kamid yihiin Amxaarada.
Mustafa Cagjar oo ilaashanaya kursiga ay Itoobiya u dhiibtay, ayaana doonaya inuu soo dhaweysto Amxaarada, kuna laaluusho dhulka Soomaaligalbeed ee horaanba loo qaatay.
Cabdi Salaan Sheekh, oo ah falanqeeye arimaha siyaasadda, ayaa ka warbixiyay dhacdadan iyo qaabka ay u dhacday.