Bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay shir ka socda Mareykanka oo u gaar ah haweenka, kaas oo ay Dowladda Fedaraalka uga qeybgaleen rag xilal soo qabtay.
Waxaa shirkaasi ka qeyb galay wasiirka haweenka ee Dowladda Fedaraalka Bashiir Goobe, iyo xildhibaan hore sidoo kalena soo noqday wasiirkii waxbarashada ee Dowladda Fedaraalka C/laahi Goodax Barre.
Arrinta la yaqaabka noqotay ayaa ah, in dowladaha kale ay dhamaan shirkaasi uga qeyb galeen wasirradooda haweenka oo wada dumar ahaa, halka Dowladda Fedaraalkana ay uga qeyb galeen rag xilal kala duwan soo qabtay.
Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan magaalada Muqdisho oo aragtidooda ka dhiibtay arrintaan ayaa sheegay, in wax lala yaabo ay tahay tallaabada ay qaaday Dowladda Fedaraalka.