HomeAll newsAskar Yahuud ah oo Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Lubnaan.

Askar Yahuud ah oo Lagu Dilay Qarax ka Dhacay Lubnaan.

Wadanka Lubnaan waxaa wali kasocanaya dagaallada dhexmaraya Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah iyo duqeymaha uu halkaasi kawadaan Sahaayinada.

Haddii aan ku hormarno dagaalka udhaxeeya ciidanak Yahuudda iyo ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah, wuxuu sii galay bishii labaad iyado ay Yahuudda wali ku socdo dhiig bax dhan walibo ah maadaama ay jihooyin kala duwan dagaallo kaga jiro.

Ilo warbaahineed oo kamid ah kuwo Yahuuddu leedahay ayaa sheegaya, in Qarax Miino oo dhawaan ka dhacay Koofurta Lubnaan ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen, 4 askari oo yahuud ah halka ay ku dhaawacmeen 15 kale.

Dhinaca kale wuxuu maamulka Yahuuddu duqeymo aan kala joogsi lahayn kawadaa dalka Lubnaan.

Meelaha ugu daran ee ay duqeymahaasi ka dhacayaan waa koofurta wadankaasi, halkaasi oo ay xarumo ku leeyihiin ururka Shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.

Wakaaladda wararka ee Xukuumadda Lubnaan ayaa sheegtay, in ugu yaraan 17 duqeyn oo uu fuliyay kayaanka Sahyuuniga ah ka dhaceen mandiqadda Leylki ee katirsan magaalada Beyruut ee dhacda Koofurta Lubnaan.

Illaa 6 dhisme ayey sheegtay wakaaladdu iney duqeymahan burburiyeen, waxayna duqeyntan ku tilmaantay mid kamid ah kuwii cuslaa ee ka dhaca Mandiqadda tan iyo intii ay dagaalka duqeymaha ka bilowdeen wadankaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular