Askarta xukuumadda Suudaan ayaa duhurnimadii shalay la wareegay magaalada Dandar ee katirsan gobolka Sanaar, kadib dagaal culus oo halkaasi ku dhexmaray ciidanka Suudaan iyo malleeshiyaadka RSF ee magaalada gacanta ku hayay.
Ciidanka Suudaan ayaa kadib markii ay lawareegeen magaalada waxay iska soo duubeen muuqaallo ay ku muujinayaan ineye iyagu gacanta ku hayaan magaalada, waxayna xaqiijiyeen iney kala wareegeen kooxdii RSF ee horay ugu sugnaa.
Magaalada ay la wareegeen askarta Suudaan ayaa ah mid istaraatiiji ah marka laga eego dhanka dagaalka, sababto ah oo waxaa ku taalla buundada kaliya ee dulmarta wabiga Dandar.
Tani waxay askarta Suudaan usuuragelineysaa, iney si fudud ugu gudbikaraan Bariga wabiga, haddii ay doonaan iney udhaqaaqaan dhanka magaalada madaxda gobolka Sanaar ee Sunja, iyo deegaanada kale ee Galbeedka wadanka oo ay gacanta ku hayaan kooxda RSF.
Dagaallada ka dhacaya wadanka Suudaan ayaa ah kuwo la isku mari la’ yahay, waxayna socdaan muddo ka badan hal Sano.