Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa Arbacadii shalay sheegay, in duqeyn dhanka hawada ah lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Al-Xudeyda oo dhacda Galbeedka dalka Yaman.
Duqeyntan ayey Xuuthiyiintu ku eedeeyeen iney ka dambeeyeen dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo uu dagaal kala dhaxeeyo, mana aysan faahfaahin haddii uu jiro khasaare ka dhashay duqeynta.
Dhinaca kale dowladaha Mareykanka iyo Ingiriisku kama hadal duqeynta ay kooxda Xuuthiyiintu ku eedeeyeen.
Goroonka diyaaradaha ee Al-Xudeyda ayaa kahor inta aysan 10 sano kahor xukuumadda Yaman kala wareegin malleeshiyaadka Xuuthiyiinta wuxuu ahaa, mid shaqeeya oo ay ka baxaan duulimaadyo gudaha iyo dibadaba isugu jira, hase ahaatee dagaallada kasocda halkaasi ayaa saameyn ku yeeshay, waxaana joogsatay shaqadii uu hayay.
Marar badan duqeymo ka dhacay wadanka Yaman, ayaa waxaa lala beegsaday malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ay taageerto dowladda Shiicda ah ee Iiraan, waxaana masuuliyadooda sheegtay dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska oo dagaal kala dhaxeeyo kooxdan.