War kasoo baxay boliska dowladda Koonfur Afrika ayaa lagu sheegay, iney xabiga dhigeen muwaadin Soomaali ah oo ay tilmaameen iney ku qabteen 100 kiilogaraam oo Qaad ah oo qiimihiisu ku dhow yahay $19,750.
Ninka ay qabteen boliska Koonfur Afrika ayaa lagu magacaabaa Maxamed Deeq, waxaana laga soo qabtay garaash uu ku sugnaa oo ku yaalla magaalada Johannesburg.
Ninkaan Soomaali ah ayaa lagu soo oogay davwad la xiriirta ka ganacsiga maandooriyaha, waxaana uu arbacadii kasoo muuqday maxkamad ku taalla dalkaas.