HomeAll newsWiil Harraad iyo Gaajo ugu Dhintay Dhulka Soomaali Galbeed. .

Wiil Harraad iyo Gaajo ugu Dhintay Dhulka Soomaali Galbeed. [Dhagayso].

Deegaan hoosyimaada degmada Shillaabo ee gobolka Qorraxay, ee dhulka Soomaaligalbeed, waxaa harraad iyo gaajo ugu dhintay wiil yar.

Biyo la’aanta ka jirta gobolka, iyo roobka oo aan di’in ayaa saameyn adag ku haya bulshada, maamulka Itoobiya ugu magacaban dhulkaas ayaana wax gurmad ah la gaarin dadka dhibaateysan.

Mid kamid ah odayaasha gobolka Qorraxay oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay dhacdada uu wiilka yari harraad iyo gaajo ugu geeriyooday.

Maamulka Itoobiya ugu magacaaban dhulka Soomaaligalbed ayaa markii uu arintan maqlay, wuxuu halkii ay ahayd inuu u gurmado dadka dhibaateysan, una tacsiyeeyo ehelka, waxay duullaan ku tageen deeganaka baadiyaha ee ay reerku deganyihiin, iyagoo ku qasbay hooyada dhashey canuga yar ee dhintay, iney beeniso in wiilkeeda uu harraad iyo gaajo u dhintay, oo ay sheegto taa bedelkeeda inuu ka kulmay xaafadda.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular