Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dibad bax ay dhigeen ehellada sarkaal katirsan Dowladda fedaraalka oo lagu magacaaabo Hanad Axmed, kaas oo dhawaan lagu dilay magaalada gobalka Banaadir.
Sarkaalka ayaa muddo 8 maalmood ah waxa uu meydkiisa ku jiraa filinjiyeer, iyadoona ehelkiisu dalbadeen cadaalad.
Waxaa sarkaalkaan toogtay ciidamo katirsan sirdoonka Dowladda Fedaraalka, iyagoona intaa kadib isaga dhaqaaqay goobtaa ay dilka ka geysteen.
Waa kuwaan qaar kamid ah ehelka sarkaalka la dilay oo saxaafadda la hadlay.