Guddida Doorashooyinka maamulka la baxay Somaliland ayaa ganaax lagaceed kusoo rogay qaar kamid ah xisbiyada iyo ururada ka dhisan maamulkaaas.
Xisbiyada ganaaxa lagu soo rogay ayaa kala ah Kulmiye, Waddani iyo ururka Kaah, waxaana Guddida Anshaxa oo ah farac ka tirsan Guddida Doorashooyinka ee maamulka la baxay Soomaaaliland uu ku eedeeyay, iney ka baxeen shuruucdii loo dajiyay.
Lacag dhan 100milyan oo shilinka maamulkaasi ah taas oo u dhiganta $10,000 ayaa lagu ganaaxay xisbiga Kulmiye, halka xisbiga Wadani iyo ururka Kaah midkiiba lagu ganaaxay 50milyan oo shilinka maamulka la baxay Soomaaliland, sida uu ka dhawaajiyay masuul katirsan gudigaas.
Sidoo kale waxaa ganaax lagu riday masuuliyiin katirsan xibsiga Kulmiye oo kamid ah, xisbiyada siyaasadeed ee dhisan goballada uu ka arrimiyo maamulka la baxay Soomaaliland.