Dowladda Uganda ayaaa xukun adag ku riday hogaamiyaha jabhad hubeysan oo ka dhisan gudaha dalkaas.
Maxkaamad ku taalla dalka Uganda ayaa waxaa kasoo muuqday, hogaamiyaha jabhadda lagu magacaabo LRA ee ka dhisan dalka Uganda.
Dowladda Uganda ayaa ninkaan ku eedeysay, in isaga iyo kooxdiisu ay xasuuq, kufsi iyo tacadiyo kala duwan ka geysteen gudaha Uganda iyo dalal daris la ah dalkaas.
Muddo 40 sano oo xabsi ah ayaa lagu xukumay hogaaamiyaha jabhadda LRA oo lagu magacaabo Tomas.
Dalka Uganda ayaa waxaa ka jira kooxo hubeysan oo mucaarad ah xukuumadda Kampala, kuwaas oo xilliyada qaar fuliya weeraro ay dhiig ku daataan.