HomeAll newsCiidamada Ruushka oo La Wareegay Deegaanno Katirsan Gobolka Donesk.

Ciidamada Ruushka oo La Wareegay Deegaanno Katirsan Gobolka Donesk.

War kasoo baxay dowladda Ruushka ayaa lagu sheegay in ciidankooda ay la wareegeen deegaanno horleh oo muhiim ah, oo katirsan mandiqadda Donesk, oo sanadihii ugu dambeeyay ahayd furin ay isku hor fadhiyaan ciidamada Ukraine iyo kuwa Ruushka.

Wasaaradda dagaalka ee Ruushka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in ciidamadeedu la wareegeen deegaanka Ismaaciilifiika ee katirsan mandiqadda Donesk, kadib dagaallo culus oo dhexmaray labada dhinac.

Waxay sidoo kale dowladda Ruushka shaaca ka qaaday iney dhulka soo dhigtay ugu yaraan 100 diyaaradood oo nooca droensta ah, kuwaasoo ay dowladda Ukraine u adeegsaneyso weeraro ka dhan ah xukuumadda Moskow.

Ciidamada Ruushka ayaa waayadii u dambeeyay waxay taqadum iyo horusocod ka sameynayeen goobaha la isku hor fadhiyo, iyagoo waqtigan kaabiga ku haya magaalada warshadaha ee Kora-khoofi, taasoo ay hareereeyeen, dadka ku dhaqanna billaabeen iney barakacaan.

Magaalo toban kiilomoter ujirta deegaanka ay hadda ciidamada Ruushka la wareegeen ayaa iyaduna waxaa ka socda barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka shacabka ah, waxaana jirta cabsi xoogan oo la xiriirta in magaaladu ay mardhow la wareegaan ciidamada Ruushka.

Bookorosifki oo iyaduna ah magaalo muhiim ah ciidamada Ukraine, ahna magaalada lojistikada iyo saanadda looga keeno ciidanka furinta ku jira, ayaa iyadana waxaa xilligan gaaraya rasaasta ka dhaceysa furimaha dagaalka, taasoo ka dhigan in dagaalku kusoo siqayo magaalada.

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa ka daalay qeyla dhaanta, dowladaha reer galbeedka ayaana u muuqda kuwa hagranaya oo aaney si buuxda u taageereynin, tanina waxay keentay in ciidamadiisa furimaha ku sugan loogu awood sheegto hubka iyo saanadda, ayna difaacan kari waayaan goobaha ay ku suganyihiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular