HomeAll newsXaalad Hubanti la'aan ah oo soo Wajahday Duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya.

Xaalad Hubanti la’aan ah oo soo Wajahday Duullaanka Shisheeye ee Soomaaliya.

Xaalad hubanti la’aan ah ayaa soo wajahday Duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, iyadoo illaa iyo hadda aan la heynin cid qaadatay masuuliyadda Maalgelinta duullaanka sanadka 2025-ta.

Iyadoo marxlad gebgebo ah uu marayo waqtiga duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee ATMIS, lana qorsheynayay in magaca loo bedelo, howshoodana wax laga bedelo, ayaa waxaa muuqata mugdi hareynaya mustaqbalka duulllaanka ciidamada Shisheeyaha ee dalkan marti gelinaya inkabadan 15 sano oo xariir ah.

Caqabado ay ka mid yihiin maalgelin la’aanta duullaanka AUSSOM ee sanadka 2025-ka, iyo xiisadda ka dhex jirta Dowladda Federaalka iyo Itoobiya ayaa halis gelin kara qorshaha bixitaanka ciidamada Shisheeyaha ATMIS iyo ku dhawaaqidda dallad cusub oo uu yeesho duullaanka.

Arrintan ayaa soo shaac baxday xilli dhawaan Xasan Sheekh Maxmuud, uu safaro ku maray dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo uu kala hadlayay sidii ay usii joogi lahaayeen Soomaaliya, una sii wadi lahaayeen duullaankooda ka dhanka ah umadda Soomaaliyeed, isagoo walaac ka muujiyay in haddii ay baxaan ay ka dhigantahay burburka dowladiisa, iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo isku sii fidida dalka.

Dowladaha xagga maaliyadda ka taageera duullaanka Soomaaliya, ayaa dhankooda weli isku raacsaneyn qaabka howlgalka AUSSOM, waxaana Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub uu mid weliba wataa fikrad gaar ah oo ka duwan tan kale, tani oo sii xoojineysa xaaladda hubanti la’aan ee heysta duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya.

Dhinacyada qaar ayaa u ololeynaya in duullaanka ATMIS loogu daro hal sano, taasoo dadka qaar ay ku micneynayaan iney tahay mid lagu doonayo in ciidamada Itoobiya ay uga sii mid ahaadaan duullaanka dalka, inta laga heshiisiinayo Abiy Axmed iyo Xasan Sheekh Maxmuud.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inuu halis galayo amnigeeda, haddii ay ciidamadeedu ka baxaan Soomaaliya, sidaasi darteed waxay xogaha qaar tilmaamayaan in Qaramada Midoobay iyo Maraykanka kala hadashey sidii ay uga mid ahaan lahayd dallad weliba oo mideyneysa dowladaha Afrikaanta ee qeybta ka ah duullaanka Soomaaliya.

Halkaan ka Degso Warka Shisheeyaha

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular