HomeAll newsNATO: "600,000 oo Askar Ruush ah ayaa Dhimasho & dhaawac ku Noqday...

NATO: “600,000 oo Askar Ruush ah ayaa Dhimasho & dhaawac ku Noqday Dagaalka Ukraine”

Xoghayaha guud ee ururka NATO, ayaa tilmaamay in khasaare culus dowladda Ruushka lagu gaarsiiyay dagaalka Ukraine ka socda, ee billowday Febraayo sanadkii 2022-ka.

Wuxuu tilmaamay in inkabadan 600 oo kun oo askari oo katirsan ciidamada millitriga Ruushka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen dagaalka Ukraine, taasina ay xoojisay xaaladda quusta ah ee uu dareemayo Butin.

Khasaarahan culus ee uu sheegay in la gaarsiiyay ciidamada Ruushka, waxay Butin ku qasabtay inuu raadiyo taageero milliteri, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ciidamo ka socda Kuuriyada Wuqooyi la keenayo dalka Ukraine, si ay uga barbar dagaallamaan ciidamada Ruushka.

Warka kasoo baxay xoghayaha guud ee ururka NATO ayaa kusoo ayuu jeediyay, isagoo ku sugan dalka Biljimka, halkaas oo uu kula kulmay masuuliyiin ka socota dalka Kuuriyada Koonfureed, kuwaasoo tilmaamay in Butin aanu wadi karin dagaalka Ukraine, isagoo aan helin taageero dibadda ah.

Arintan ayaa kusoo aadeysa, iyadoo madaxweynaha dalka Ukraine Zalanksy uu sheegay, in 12 kun oo askari oo ka socota dalka Kuuriyada Wuqooyi, ay tababaro ciidan ku qaadanayaan dalka Ruushka, dhawaanna la filayo in la keeno furimaha dagaalka Ukraine.

“ 3000 ooo askari ayaa xilligan ku sugan dalka Ruushka, oo ka socota dalka Kuuriyada Wuqooyi, xogaha sirdoonkeena uu helayo waxay sheegayaan in tiradooda la gaarsiin doono 12 kun oo askari, halkaasina lagu tababari doono” ayuu yiri madaxweynaha dalka Ukraine.

Wasaaradda difaaca dalka Kuuriyada Wuqooyi ayaa dhankeeda war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in toban kun oo askari oo kamid ah ciidankeeda ay geysay dalka Ruushka, kuwaasoo ay sheegtay iney qaadayaan tababar ciidan.

Waxaa jirtay mudooyinkii u dambeeyay isku soo dhawaansho u dhexeysa dalalka Ruushka iyo Kuuriyada Wuqooyi, labadan dal oo kasoo horjeeda siyaasadda reer galbeedka, ayaana waxaa muuqata iney sameysanayaan gaashaanbuursi millietri.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular