Maalintii shalay wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka ayaa ceyrisay ku-xigeenka qunsulka safaaradda Itoobiya ee magaalada Muqdisho.
Diblumaasigaan oo asal ahaan Soomaali ah laguna magacaabo Cali Maxamed Aaden oo loo jaray warqad eryid ah ayaa lagu amray, in muddo 72 saacadood ah uu dalka uga baxo.
Sababta loo ceyriyay ayaa lagu sheegay, in uu ku kacay falal aan waafaqsanayn xilkiisa diblumaasiyadeed, sida lagu sheegay warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Dowladda Fedaraalka.