Iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay Dowladda Fedaraalka dardar galisay beylihinta kheyraadka dalka, ayaa waxa ay markale heshiis cusub la saxiixatay Imaaraatka Carabta, kaas oo u ogaalanaya iney boobaan hantida umadda Soomaaliyeed.
Wasiirka kalluumeysiga ee Dowladda Fedaraalka Axmed Xasan Aadan ayaa saxiisay heshiiskaan, waxa uuna la galay shirkadda dekadaha Abuu Dubia ee lagu magacaabo Abu Dhabi PORTS Group.
Heshiiska ayaa dhigaya in shirkadan Imaaraatiga ay horumariso dekadaha kalluumeysiga, islamarkaana dhisto xarumo iyo saldhigyo kormeer ku sameeya kalluumeysiga Soomaaliya iyo arrimo kale sida ay sheegtay Dowladda Fedaraalka.