HomeAll newsAala-Sucuud oo Dil Toogasho ku Fuliyay Labo Ruux oo Midkood Kasoo JeedoEreteria.

Aala-Sucuud oo Dil Toogasho ku Fuliyay Labo Ruux oo Midkood Kasoo JeedoEreteria.

Wasaaradda arimaha gudaha ee maamulka Aala-Sucuud, ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay, in maxkamadda sare ee dalkaasi ay xukun dil toogasho ah ku riday labo ruux, oo kasoo kala jeeda Xarameynka iyo Ereteria.

Saalax bin Cumeyr Ash-Shumari ayaa lagu eedeeyay inuu dalka soo geliyay maadooyin daroogo ah, ciidamada ammaankana ay ku qabteen, sidaasi darteedna lagu riday xukun dil toogasho ah, iyadoo isla maalinkii shalay oo Talaado ahadyna lagu fuliyay.

Qofka labaad ee dilka toogashada ah lagu fuliyay waxaa lagu magacaabaa Najaash Cabdilqaadir, waxaana uu kasoo jeedaa dalka Eretria, waxaa lagu eedeeyay inuu horey dil ugu geystay nin ay murmeen.

Wasaaradda arimaha gudaha maamulka Aala-Sucuud waxay sheegtay in labada xukun ee dilka toogashada ah, la fuliyay maalinkii shalay, waxaana saxiixay sida warka lagu sheegay boqorka maamulka Aala-Sucuud Salmaan bin Cabdil-Caziiz.

Maamulka Aala-Sucuud ayaa inta badan fuliya xukunno dil toogasho ah, oo badi dadka lagu fuliyo ay kasoo jeedaan dalal ka baxsan dhulka Xarameynka, waxaana dilalka qaar ay yihiin kuwa siyaasadeysan.

Horay wuxuu maamulka Aala-SUcuud si raxan raxan ah u laayay culimo, ducaad iyo dhalinyaro muslimiin ah, kuwaasoo la fal galay qadaayaatka muslimiinta ee caalamka, arintaasi darteed ayayna ku muteysteen in la dilo, iyadoo lagu eedeyanyo “aragagixisinimo” iyo iney ka hor yimaadeen “hogaanka dalka”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular