Kooxda shiicada ah ee xarunteedu tahay dalka Lubnaan, ayaa ku dhawaaqday iney yeelatay hogaamiye cusub, oo bedela Xasan Nasrallaah, oo ay Yahuuddu ku dileen duqeyn ka dhacday magaalada Beyruut.
Kooxda ayaa sheegtay in Nuceym Qaasim oo kamid ah masuuliyiinta jamaacada uu noqday xoghayaha guud ee ururka shiiciga ah, isagoo bedelaya Xasan Nasrallaah.
Ninkan cusub ayaa tan iyo 1991-dii wuxuu ahaa hogaamiye kuxigeenka kooxda shiicada ah ee degan Lubnaan, waxaana uu kasoo jeedaa mandiqadda Kafar-fiila ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo ay ku badanyihiin shiicada.
Durba markii lagu dhawaaqay in xilka hogaaminta ururka shiiciga ah loo dhiibay, waxaa farriin goodis ah usoo diray Yuwaf Galanti oo ah wasiirka dagaalka Yahuudda, kaasoo ku hanjabay iney marsiin doonaan wadadii uu maray Xasan Nasrallaah.