Kulan ay isugu yimaadeen waxa loogu yeero Golaha ammaanka, ayaa lagu sheegay in isbedel lagu sameeyay howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomalaiya, kaasoo soo socday kudhawaad 30 sano oo xiriir ah.
Golaha ayaa qalinka ku duugay in howlgalkii Qaramada Midoobay ee Soomaailya loo bedelo mid ku meel gaar ah, oo uu qorshuhu yahay in si dhow loo soo afjaro, iyadoo qeyb ka ah qorshayaasha ay Qaramada Midoobay iyo guud ahaan Shisheeyaha kaga jilba laabanayaan caalamka Islaamka, kadib markii ay ku daaleen duullaankooda.
Howlgalka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo horey loo oran jiray UNSOM, ayaa isku bedelaya howlgalka kumeel gaarka ah ee UNTMIS, iyadoo howlihii Xafiiska Qaramada Midoobay si tartiib tartiib ah loogu wareejinayo Dowladda Federaalka.
Sida uu qorshuhu yahay wuxuu howlgalkani kumeel gaarka ah sii socon doonaa labada sano ee soo socota, waxaana go’aankan la sheegay iney gaartay Qaramada Midoobay, iyadoo la fulinayo codsi ka yimid wasaaradda arimaha dibadda Dowladda Federaalka, oo ahaa in lasoo afjaro howsha ay Qaramada Midoobay ka heyso Muqdisho.
Bishi Augsusto ee sanadkan ayay ahayd markii warqad ay soo saartay wasaaradda arimaha dibadda Dowladda Federaalka, oo ku socotay Qaramada Midoobay, lagu codsaday in lasoo afjaro howlgalka Qaramada Midoobay, taasoo ay Dowladda Federaalka ku sheegtay iney qeyb ka tahay qorshaha ay ku dooneyso iney iyadu la wareegto taladeeda, sida loo dhigay hadalka.
Go’aankan ayaa kusoo aadaya iyadoo uu walaac xoogan hareynayo duullaanka Shisheeyaha ee Soomaaliya, waxaana weli cadeyn iyadoo ATMIS isku diyaarineyso ka bixitaanka dalka, cida qaadaneyso maalgelinta ciidamada Shisheeyaha wixii ka dambeeya 2025-ka, xilligaas oo dowladaha Afrikaanta ay Soomaaliya ku reebayaan ciidamo howshoodu tahay ilaalinta xarumaha muhiimka u ah Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.