Munaasabad ballaaran oo ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa lagu dhisay guddiga Nuqabada Islaamiga ee wilaayada.
Waxaa kulanka kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, odayaasha dhaqanka ee qabaa’ilka dega gobolka iyo masuuliyiinta Wilaayada Islaamiga ee Jubbada Hoose.
Odayaasha dhaqanka ee gobolka ayaa yeeshey, gudoomiye, xoghayn iyo afhayeen, iyadoona ka hor shirka ay odayaashu qaateen dowro sharci ah.