Ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa burburiyay guryo ay dagan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla magaalada Muqdisho.
Maalintii shalay ciidamada Dowladda Fedaraalka ayaa burburiyay guryo ay dagan yihiin dad rayid ah oo ku yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.
Ciidanka ayaa marka laga yimaado burburinta guryaha waxa ay jirdil iyo xarig isugu dareen dadka shacabka ah ee ay guryaha ka dumiyeen.
Qaar kamid ah dadka lahaa guryahaas oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay, in ciidanka Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ay geysteen burburintaas, kuwaas oo amar kawata gudoomiyaha gobalka Banaadir.