HomeAll newsCiidanka Mustafa Cagjar oo Weeraray Masuul ka Hadlay Xad Gudubka Itoobiya.

Ciidanka Mustafa Cagjar oo Weeraray Masuul ka Hadlay Xad Gudubka Itoobiya.

Ciidamo ilaalo u ah Mustafa Cagjar ayaa weerar ku qaaday, masuul katirsan maamulka ay Xabashidu ka dhisatay dhulka Soomaali-galbeed.

Masuulkaan oo lagu magacaabo Cali Samarre, ayaa waxa uu sheegay in ciidamo ilaalo u ah madaxweynaha dhulka ay Xabashidu gumeysato ee Soomaali-galbeed ay kusoo weerareen gurigiisa oo ku yaalla magaalada Jigjiga.

Waxa uu kol sii horreysay ka hadlay weerarada ay Itoobiyaanku ku hayaan dhulka Soomaali-galbeed, waxaana intaas kadib xilkii uu hayay ka qaaday Mustafa Cagjar.

Cali ayaa tilmaamay in haddii mar kale ay ciidamadu soo weeraraan gurigiisa uu is difaaci doono, waxa kaliya ee loo beegsanayana ay tahay inuu ka hadlay dhibaatada ay Xabashidu ku heyso Soomaalida.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular