HomeAll newsKu dhawaad 100 Ruux oo ku Dhintay Daadad ku Fatahay Spain.

Ku dhawaad 100 Ruux oo ku Dhintay Daadad ku Fatahay Spain.

Khasaare lixaad ah ayaa ka dhashay daadad xooggan oo ku fatahay qeybo kamid ah dalka Spain, kuwaas oo sababay dhimashada dad badan iyo khasaare hantiyeed.

Ugu yaraan 95 ruux ayaa la xaqiijiyay iney ku dhinteen daadadka ku fatahay dalka Spain, sida lagu shaaciyay war rasmi ah oo kasoo baxay xukuumadda dalkaas.

Madaxda ugu sarreysa ee dalka Spain oo uu ku jiro madaxweynaha xukuumadda, ayaa waxa ay ka hadleen musiibadaan ka dhacday dalkaas, iyagoona ku dhawaaqay baroor-diiq 3 maalmood socon doonta oo ka billaabaneysa maanta oo Khamiis ah.

Daadadka ayaa sidoo kale baabi’iyay dhismayaal iyo guryo badan oo ku yaalla dalka Spain, iyadoo lagu dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Waxaa laga cabsi qabaa in tirada dhimashada ay marba marka ka dambeyso kororto, maadaama nolol iyo geeri toona lagu la’yahay dad badan oo ay daadadku la tageen.

Waa fatahaadihii ugu dhimshada badnaa ee muddo sanado ah soo mara dalka Spain, waxaana hadda koronto la’aan ah kumanaan ruux oo ku nool dalkaas.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular