Maxkamad ku taalla dalka Faransiiska ayaa maalintii shalay oo Arbaco aheyd, waxa ay xukun xabsi ah ku riday nin udhashay dalka Ruwanda.
Dhaqtarkaan ayaa lagu xukumay muddo 27 sano oo xabsi ah, waxaana lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa xasuuq wadareedyo iyo falal-dambiyeedyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.
Waxa ay maxkamaddu sheegtay, in dhaqtarkaan uu ku kacay xasuuqyo iyo falal ka baxsan bani’aadannimada, xilligii uu socday xasuuqa qowmiyadda Tutsiga ee degta dalka Ruwanda sanadkii 1994, kaas oo gallaaftay nolosha in ka badan 800,000 oo ruux oo ubadan qowmiyaddaas.
Inkastoo uu dhaqtarkaan iska bari yeelay eedeymaha loosoo jeediyay, ayay haddana maxkamaddu la aaday inuu masuul ka ahaa, islamarkaana uu boorriyay leynta qowmiyadda Tutsiga, iyo in kuwii xasuuqaasi geysanayay oo iyagana loo yaqaanay Huutuuga uu ku taageeray siyaasadooda baabi’inta ah sida ay hadalka udhigtay.
Faransiiska isku muujinaya inuu xuquuqda aadanaha ilaalinayo dadna u maxkamadeynayo, ayaa waxay ciidamadiisa duullaan ku qaadeen wadamao badan oo ku yaalla caalamka Islaamka, iyagoo halkaasi wada xasuuq iyo xadgudub foolxun oo ka dhan ah dadka Muslimiinta ah.