Ra’iisal wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya ayaa markale ku celiyay, ineysa ka tanaasuli doonin damacoodii ahaa iney helaaan Badda Soomaaliya.
Aiy Axmed oo ah Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ka hadlayay xaaladaha qasan ee ka taagan Itoobiya iyo xiisadaha ka jira geeska Afrika ayaa ku celuayay, ineysan ka laaban damacoodii ahaa qaadashada xeebaha dalka.
Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo ah nin wajiyo badan, ayaa markaan sheegay in dagaal iyo xoog aysan ku rabin iney bad ku helaan.
Mar uu soo hadal qaaday xaaladda gobalka Amxaarada ee dalka Itoobiya ayuu sheegay iney gobalkaasi ka wadaan isbadallo waaweyn, isagoo iska indho tiray dagaallada ay ciidankiisu ku hoobteen ee ka socda gobalkaaas.