Ciidanka UPDF ee dalka Uganda ayaa shaaca ka qaaday, in askari katirsan ciidanka milliteriga uu weerar toogasho ah ka geystay gudaha dalka Uganda, taasoo uu ku dilay dad shacab ah.
Askariga dilka geystay oo lagu magacaabo Bonny Ammeny, ayaa nolosha dhaafiyay ugu yaraan 3 ruux oo Ugandhees ah, kadib markii uu rasaas ooga uga qaaday, xilliga uu weerarka geysanayay ayaana la sheegay inuu careysnaa, oo uu khilaaf kala dhexeeyay xaaskiisa.
Weerarka toogashada ah ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ngora oo hoostaga degmada Agago, dadka la dilay ayaana kal ah 21 sano jr, 47 sano jir, iyo 15 sano jir.
Weerarka toogashada ayaa dhacay 20kii October, maalmihii lasoo dhaafeyna waxaa socday baaritaanno lagu raadinayay askariga dilka geystay, kaasoo ugu dambeyntii gacanta lagu soo dhigay maalintii Arbacada ee aynu soo dhaafnay.
Warbaahinta dalka Uganda ayaa tabisay in askariga dilka geystay iyo xaaskiisa uu ka dhexeeyay khilaaf qoys, kadibna ay xaasku kaso ocarartay guriga, isaguna uu toogashadan geystay xilli uu baadigoobayay xaaskiisa kasoo carootay gurigeeda.
Taliska ciidamada Uganda ayaa sheegay in askariga xilligan gacanta lagu hayo, maxkamadna lasoo taagi doono.