Madaxa Sirdoonka Maraykanka ayaa Booqasho Qarsoodi ah ku yimid Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Waxaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho booqasho aan horey loo sii shaacin oo qarsoodi ah ku yimid, madaxa Sirdoonka CIA-da Maraykanka William J. Burns.
Masuulkan Ameerikaanka ah ayaa kulamo gaar ah la yeeshey madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxmuud iyo taliyaha Sirdoonka NISA, ninka lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.
Illaa iyo hadda lama oga waxa rasmiga ah ee ay ka wada hadleen dhinacyadan kulmay, waxaase warbaahinta qaar ay sheegayaan iney isla gorfeeyeen arinta amniga, dagaalka ka dhanka ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, iyo bixitaanka ciidamada Shisheeye ee ATMIS, iyadoo ay sidoo kale isla soo hadal qaadeen khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.
Waa booqashadii labaad ee uu madaxa Sirdoonka CIA-da Maraykanka ku yimaado muda sanad gudaheed ah magaalada Muqdisho, dhamaantoodana waxay ahaayeen kuwa qarsoodi ah, oo ay warbaahintu ka war heshey oo keliya markii uu dalka kabaxay.
Sida ay tilmaamayaan khubarada amniga, waxaa ugu wacan in madaxda ka socota dowladda Maraykanka ay qariyaan xogta safarkooda Soomaaliya, iyagoo ka baqanaya in Muqdisho lagula beegsado weeraro abaabulan oo ka yimaada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, oo dagaal kula jirta guud ahaan Shisheeyaha dalka kusoo duuley.
Dowladda Maraykanka ee qeybta ka ah gumaadka ka socda Qazza, ayaa dagaal ka wado dunida muslimka, Soomaaliya ayaana kamid ah meelaha ay ciidamadu ka joogaan, waxaana Dowladda Federaalka ku faantaa in Maraykanku ay saaxiibo yihiin, su’aasha la isweydiinayana waxay tahay sidee ayuu Maraykanku suuragal u tahay inuu harqabow u jiido umadda muslimka ah Soomaaliyeed, xilli uu gumaadayo ehelkooda ku go’doonsan Qazza?