Dhaca gaadiidka ayaa kusoo badanaya magaalo ay Soomaalidu ku badan yihiin oo ku taalla dalka Canada.
Magaalada Toronto ee dalka Canada oo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa waxaa mudooyinkii dambe kusoo badanaya, dhac loo geysanayo gawaarida ay leeyihiin dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee ku nool magaaladaas.
Soomaali badan ayaa laga dhacay gaadiid ay lahaayeen, waxaana boliska dalkaasi uu sheegay iney tobannaan qof oo ku eedeysan dhicidda ama xadida gaadiidka ay soo xireen.
Qolyaha dhaca geysanaya oo intooda badan hubeysan ayaa waxa ay dadka ku handadaan hubka ay sitaan, mid kamid ah Soomaalida ku nool magaalada Toronto oo kamid ah kuwa gaadiidka laga dhacay ayaana ka warrmay arrintaan.