Kuleyl iyo abaaro ayaa laga soo sheegayaa deegaanno dhaca galbeedka magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada-hoose.
Degaannada dhaca galbeedka magaalada Kimsaayo oo sanadkii hore ay saameeyeen fatahaadaha ayaa waxaa hadda laga soo sheegayaa kuleyl iyo abaaro ka jira halkaas.
Waxaa deegaannadaasi kamid ah Xamareyso, Galool-yar, Shimbireey iyo deegaanno kale, waxaana dadka ku dhaqan ay sheegeen iney halkaasi ka jiraan xaalado nololeed, iyagoo intaas ku daray in maamulka la baxay Jubbaland uusan waxba uqaban.