Taliska Ciidamada Mareykanka ayaa Jimcihii aynu soo dhaafnay sheegay inuu hub iyo diyaarado horleh oo uu ku difaacayo Yahuudda usoo dirayo Bariga Dhexe, waxaana maalintii shalay oo Sabti ahayd durbaba mandiqadda soo gaaray, diyaarado ay leedahay dowladda Mareykanka oo ah nooca loo yaqaan B-52.
Hub iyo diyaaradaha uu Mareykanku ku taageerayo kayaanka Sahyuuniga ee loo soo daabulay Bariga Dhexe ayaa isugu jira, diyaarado dagaal oo dhowr nooc ah, iyo nidaamka difaaca hawada ee looga hortago gentaallada Balaastigga.
Bayaanka hubkan iyo diyaaradaha loo soo dirayo mandiqadda Bariga Dhexe lagu shaacinayay oo kasoo baxay wasaaradda dagaalka ee Mareykanka ayaa lagu tilmaamay in cidda Mareykanku uu ka difaacayo Yahuudda ay tahay Iiraan.
Dowladda Mareykanka ayaa horay ugu hanjabtay Iiraan, kadib weerarkii genataallada ahaa ee ay Yahuuddu ku qaaday Iiraan, waxayna cadeysay in haddii xukuumadda Shiicada ah ka falceliso weerarka Yahuudda ay tahay cidda rasmiga ah ee jawaabeysa Iiraan tahay Mareykanka.
Khubarada millateriga ayaa aaminsan in Dagaallada ka taagan maniqadda Bariga Dhexe sii socoshadooda ay hormuud ka tahay dowladda Mareykanka, islamrkaana ay iyadu tahay cidda rasmiga ah ee hurineysa.